Xukunkii labaad ayaa maanta laga soo saaray kiisas rabshado ah oo ka dhacay deegaanka Sveaparken ee magaalada Örebro oo ka soo horjeeda rabshada halkaasi ka dhacay xilli ay jireen xiisado lagu gubay qur’aanka kariimka ah oo ka dhacay magaalooyin badan oo dalka Sweden ah.
Afar nin ayaa lagu xukumay xabsi, kadib markii lagu helay inay si xun u waxyeeleeyeen booliska. Xukunka ayaa u dhexeeyay labo ilaa lix sano.
Xukunka ayaa lagu sheegay in afarta eedaysane “ay ka qaybqaateen rabshadihii ka dhacay Sviyaparken”. Waxaa lagu xukumay xabsiyo kala duwan, labo sano oo ugu hooseeya, iyo lix sano oo ugu badan.
“Rabshadaha ayaa gaaray inay halis gasho qaar kamid ah nolosha booliska, sidaa darteed shaki kuma jiro in dakaasi ay galeen dambi culus,” ayaa lagu yidhi xukunka. Sida laga soo xigtay SVT.
mid kamid ah ragaasi ayaa lagu xukumay xabsigii ugu dheeraa, waxaana lagu helay dambi ah inuu weeraray ciidamo ka tirsan Booliska, sidoo kalena uu tacadiyo u geystay shaqaale dowladeed.
Mudaaharaadyada looga soo horjeedo xagjirka garabka midig ee Rasmus Paludan oo gubay nuqullo ka mid ah Quraanka Kariimka ayaa isu beddelay rabshado dhowr ah oo ay ku jirto Sviaparken ee Orebro. Rabshadahaas ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro boolis ah iyo dad caadi ah .
Todobaadkii hore ayay ahayd markii xukunkii ugu horeeyay laga soo saaray magaalada Örebro, waxaana afar nin oo lagu eedeeyay in ay waxyeeleeyeen booliiska lagu xukumay xukuno u dhaxeeya afar sano iyo bar.
Maanta waxaa magaalada Linköping ka bilaabatay maxkamadeynta 3 nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lala xiriirinayo falal la mid ah kuwii ay geysteen