Haweeney da’ ah oo ku nool magaalada Lund ayaa lagu qasbay in ay ka baxdo guri ka kooban saddex qol oo ay ku nooleyd tan iyo 1993-kii ka dib markii ay ugu yaraan 110 jeer ay kiraysay mid ka mid ah qolkeeda Airbnb.
Haweeneyda ayaa moodaysay in loo ogolyahay inay qol kiraysato , markii shirkaddii hoyga u sheegtay inay mamnuuc tahay, way joojisay kiraynta.
Shirkada guriyaynta ee dawlada hoose ee LKF, ayaa ku wargaliyay kadib markii dad daris ah at ka cawdeen sawaxanka jaranjarada dhismaha.
Maxkamadda Degmada iyo Maxkamadda Racfaanka labaduba waxay ku soo gebogebeeyeen inay tahay kiro aan la ogolayn. Sababtoo ah waxaa ku jira dhacdooyin badan oo aan ahayn kiro hal mar ah, iyo qiimaha oo ah mid aad u sarreeya sida lagu qoray Hem & hyra.
Gabagabadii, maxkamaddu waxay go’aansatay in haweenayda waayeelka ah laga saaro guriga.