Home Wararka Caalamka Barlamaanka Sweden oo maanta go’an ka gaaraya ku biirista NATO

Barlamaanka Sweden oo maanta go’an ka gaaraya ku biirista NATO

0

Baarlamaanka dalka Iswiidan ayaa ka doodaya ku biirista NATO, iyadoo la filayo in is afgarad ballaaran laga gaaro ka dib markii xisbiga Socialdemokraterna uu shalay ku dhawaaqay inuu taageersan yahay ka mid noqoshada isbaheysiga.

Ilaa hadda, xisbiyada Socialists, Democrats, Konserfatifka, Libaraalka, Christian Democrats, iyo xisbiyada dhexe waxay si rasmi ah u taageeraan xubinnimada NATO. Xisbiga Sverigedemokraterna ayaan ku dhawaaqin mawqifkooda ugu dambeeya, inkastoo xisbigu uu marar badan sheegay in uu bedelay jihadii uu ku lahaa xubinimada.

“Waxay ila tahay inaan maqli doono isfaham aan naadir ku aragno baarlamaanka si aad u kala qaybsan,” ayuu yiri weriyaha SVT ee baarlamaanka Christopher Turnmalm.

Waxaa la filayaa in madaxa xisbiga Vänsterpartiet, Noshi Dadgostar, uu dhaleeceeyo falanqeynta amniga ee ay wadaan xisbiyada, isla markaana uu tilmaamo qatarta ka dhalan karta inay ku dhacaan gacanta Turkiga.

Tornmalm ayaa sheegay in dhinacyadu ay doonayaan inay u muujiyaan NATO, iyo Ruushka, in Sweden uu jiro heshiis la isku raacsan yahay.

Halka wasiirka difaaca Peter Holtqvist uu sheegay in dowladdu ay maanta ku dhawaaqi doonto go’aankeeda ku saabsan xubinnimada NATO, iyadoo aan la cayimin taariikhda la soo gudbinayo codsiga xubinnima

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here