Sida ay ku warantay warbaahinta gudaha, qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay jaakadda bam ee masjidka Shiicada ee Xazrat Ali, xilli dadku ay doonayeen inay ka baxaan dhismaha.
Afhayeen u hadlay Taalibaan oo ku sugan Mazar-e-Sharif, Mohammad Asif Wazeri, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen weerarka.
Labo dhaqtar oo ka howlgala isbitaalka Abu Ali Sina-e-Balkhi ee magaalada Mazar-e-Shariif ayaa warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyay in ay heleen ugu yaraan 20 qof oo dhintay in ka badan 60 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka kadib.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse kooxda xagjirka ah ee Sunniga Muslimka ah ayaa sannadihii lasoo dhaafay weeraro argagaxiso ku qaaday Shiicada Afgaanistaan ​​ku sugan.