Home Wararka Caalamka Booliiska Malmö oo Dacwad ka gudbiyay Rasmus Paludan, Garsoore Maxkamada Sare oo Ka...

Booliiska Malmö oo Dacwad ka gudbiyay Rasmus Paludan, Garsoore Maxkamada Sare oo Ka Hadlay

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Kadib markii booliska Malmö uu dacwad ka gudbiyay xagjirka Rasmus Paludan , oo looga shakiyay naceyb ka dhan ah Muslimiinta ka dib markii uu maalmo ka hor magaalada ku gubay nuqul ka mid ah qur’aanka kariimka ah waxaa dacwadooda laga soo jawaabay.

Xubin ka tirsan guddiga sharciga (Justitierådet) Thomas Pohl ayaa sheegay in gubista Quraanka aysan. Aheyn Naceyb Koox.

Waxa uu sharraxay, “Gubida Qur’aanka waxa ay ka dhigan tahay in qof kasta oo sidaas sameeyaa uu u malaynayo in Islaamku aanu ahayn diin wanaagsan, si la mid ah in Kitaabka Quduuska ah la gubo si loo muujiyo dhaleecaynta waddan. Waa wax iska caadi ah in wax la dhaliilo, laakiin taasi sharci ahaan macnaheedu maaha hadal nacayb”.

“Gubigiisa Qur’aanka iyada oo aan ognahay in uu leeyahay nooc ka mid ah fikradda bulshada kuma filna sharci ahaan in lagu xukumo,” Paul ayaa u sheegay SVT.

Golaha sharciga dalka Iswiidan waxaa ka mid ah garsoorayaasha maxkamada sare oo ah maxkamada go’aanka ugu dambeysa ee kiisaska.

Rasmus Paludan oo ah xagjirka garabka midig ee Danishka ayaa kiciyay mowjado rabshado wata oo ka dhacay magaalooyin badan oo Sweden ah oo uu ku gubayay meel fagaare ah qur’aanka kariimka ah. Mudaaharaadyada ayaa sababay dhaawaca 40 qof oo ay ku jiraan 26 boolis ah

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here