Sirdoonka Sweden, Säpo, ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka ajaanibka ah, ee loo aqoonsan karo khataraha ammaanka, ay weli dalka ku sii kordhayaan.
Sida ay sheegtay Sabo, shakhsiyaadkan waxaa laga yaabaa inay yihiin kuwa leh ujeedo iyo karti inay dembiyo argagixiso ka geystaan Sweden, tusaale ahaan.
Sirdoonka Sweden ayaa tilmaamay in dadkaasi ay ku jiraan dad laga yaabo inay u shaqeeyaan quwado shisheeye, ayuu yiri Gabriel Fernstedt oo ah afhayeenka Sabo.
Sanadkii la soo dhaafay, tirada dadka lagu tilmaami karo khataraha ayaa kordhay 25 boqolkiiba, laga soo bilaabo ku dhawaad 200 ilaa in ka badan 250 oo hada marayaan
Wararka kale ee Maanta
AD