Mareykanka ayaa ka cabsi qaba in Shiinuhu uu Ruushka ka taageero dagaalka, balse hoggaanka Kremlin-ka ayaa diiday in uu taageero noocaas ah ka codsadaan.
Aqalka Cad ayaa sidoo kale ka cabsi qaba in Shiinuhu uu dagaalka Ukraine u adeegsado qeyb ka mid ah xifaaltanka uu kala dhaxeeyo Mareykanka, waxa ay Mareykanku ka baqayaan in ay tahay istaraatiijiyad fog oo Beijing ay ku dooneyso in ay kaga xayuubiso hoggaanka dhaqaale iyo siyaasadeed ee aduunka.
Lataliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Joe Biden Jake Sullivan ayaa uga digay Yang isniintii in ay qiimo weyn ku yeelan doonto Shiinaha hadii ay Ruushka ku taageeraan dagaalka, ama ha ahaato mid militari ama ay ka caawiyaan Moscow in ay hareer marto cunaqabataynta caalamiga ah.