Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa uga digay Ruushka in ay weerarto dhul ka tirsan NATO, wuxuuna sheegay in haddii ay taasi dhacdo NATO ay si buuxda uga jawaabi doonto.
Haddii Ruushka uu weeraro dhul NATO, waxay kicin doontaa NATO qodobka 5aad, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado hal waddan oo NATO ah in loo arko mid lagu weeraray dhammaan.
“Waxa kaliya ee aan leeyahay ayaa ah in haddii Ruushku soo weeraro, uu rido ama uu hal xabbad ku rido dhulka NATO, isbahaysiga NATO ayaa ka jawaabi doona,” Sullivan ayaa u sheegay CBS Axadii.
Sullivan waxa uu sheegay saacado uun ka dib markii ciidamada Ruushka ay 30 gantaal ku dhufteen saldhig ay NATO adeegsato oo ku taal Ukraine, oo 25 kiiloomitir u jirta xuduudka Poland.
Isla mar ahaantaana, Sullivan wuxuu uga digay madaxweyne Vladimir Putin inuu isticmaalo hubka kiimikada iyo bayoolojiga, isagoo sheegay inay la macno tahay in Ruushka uu ka gudbay “khadka naxdinta leh” ee sharciga caalamiga ah