Home News in English Ruushka oo Sweden u diray Digniin kale oo ku aadan ku biirista...

Ruushka oo Sweden u diray Digniin kale oo ku aadan ku biirista NATO

0
Foto: Pontus Lundahl / TT

Warbixin cusub oo ka soo baxday sarkaalka Ruushka Sergei Belyaev, wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa cusboonaysiisay digniinta ka dhanka ah Sweden iyo Finland inay ku biiraan NATO.

“Waxaa cad in ku biiritaanka Finland iyo Sweden ee NATO, ay yeelan doonto cawaaqib millatari iyo mid siyaasadeed oo culus oo u baahan in dib u eegis buuxda lagu sameeyo xiriirka wadammadan iyo tallaabooyinka aargoosiga, ” Sergei Belyaev ayaa u sheegay. Wakaaladda wararka ee Ruushka Interfax .

Belyaev ma uusan faahfaahin waxa uu ula jeedo “tallaabooyin aargoosi ah”.

“Ruushka wax shaqo ah kuma laha go’aannadayada madax-bannaan,” ayay wasiiradda arrimaha dibadda ee Sweden Anne Linde ku qortay farriin qoraal ah oo ay u dirtay wakaaladda wararka ee Sweden.

Kahor duulaankii Ukraine, Ruushku waxa uu dalbaday in NATO aysan ansixin codsiyada cusub ee xubinimada, oo ay ku jiraan kuwa Sweden , Ukraine iyo Finland.

Duullaankaas ka dib, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa yiri “Ku biiritaanka Sweden iyo Finland ee NATO waxay cawaaqib xumo ku yeelan doontaa siyaasadda militariga

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here