-Alaabta loo dhameestiray. Qalabkii iyo agabkiina way gareen halkaasi. Hadda wax walba waa u diyaarsan yihiin in ciidamada Ukraine ay adeegsadaan sida koofiyadaha, iyo hubka lidka taangiyada ee aan u dirnay, ayuu yiri madaxa difaaca Sweden Michael Bydén oo u warramayay SVT Axaddii.
Taageerada Iswiidhan waxay ka kooban tahay 135,000 oo raashin ah, 5,000 koofiyadaha, 5,000 oo ah dhabarka ciidanka iyo 5,000 oo hubka lidka taangiyada ah.
Sweden, Norway, Denmark iyo dalal kale oo Yurub ah, ayaa go’aansaday inay hub u diraan Ukraine. Markii ugu dambeysay ee Iswiidhan ay hub u dirto wadan dagaal ka socdo waxay ahayd markii Midowga Soofiyeeti uu soo galay Finland 1939-kii, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sweden.
Hubka Ciidanka ee Sweden ayaa ka dhigan in Dagaalka Ukraine uu yahay mid halis ah oo saameyn xoogan ka dhalaneyso.
Source SVT