war-saxaafadeed kasoo baxay Shirkada Visa ayaa lagu sheegay in Shirkada ay joojineyso isticmaalka Visa ee Shirkadaha Gudaha ka jiro iyo in kaarka aan loo isticmaali karin dhanka dibada.
“Waxaan dareensanahay inaan ku qasbanahay inaan tallaabo qaadno ka dib duullaankii Ruushku uu ku qaaday Ukraine, iyo dhacdooyinka aan la aqbali karin ee aan marqaati ka nahay,” ayuu yiri maamulaha guud Al Kelly.
Shirkaddu waxay ka qoomamaynaysaa in Shaqo joojinta uu cawaaqib ku yeelan doono shaqaalaha, macaamiisha, iyo kuwa haysta kaararka ee Ruushka.
– Dagaalkan iyo khatarta joogtada ah ee nabadda iyo xasilloonida waxay u baahan yihiin inaan uga jawaabno si waafaqsan qiyamkayaga, ayuu yiri Kelly.
Mastercard ayaa qaadatay go’aan la mid ah go’ankaasi.
Kaar kasta oo laga bixiyo dalka dibaddiisa kama shaqayn doono dukaamada Ruushka iyo ATM-yada, sida ay shirkadda Mastercard sheegtay .