La taliyaha madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in dagaal ba’an uu ka socdo xadka Ruushka iyo Ukraine, isagoo walaac ka muujiyay in Ruushku isku dayayo in uu gudaha u galo caasimadda Kiev, iyaga oo adeegsanaya ciidamada dhulka.
Waxaa la sheegay in ciidamada Ruushka ay gudaha u galeen gobolka Kiev , halkaas oo ay ku taallo caasimadda. Dadka reer Ukraine ayaa ku sugan tareenada dhulka hoostiisa mara iyo hoyga magaalooyinka. Waxaa la sheegay in tobaneeyo qof lagu dilay saaka.
Sida laga soo xigtay maamulka Ukraine, ciidamada Ruushka ayaa galay dhanka waqooyi ee gobolka Kiev iyaga oo wata taangiyo. Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Bloomberg.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku booriyay dhammaan muwaadiniinta Ukraine ee doonaya inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Ruushka inay sidaas sameeyaan , sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Ukraine ee Ukrinform .
“Waxaan u qaybinaynaa hub si aan u ilaalino dalkeenna, waana sii wadi doonnaa inaan sidaas ku sameyno qof walba oo doonaya inuu difaaco Ukraine,” ayuu yiri Zelensky.
Milateriga Ukraine ayaa sheegay in in ka badan 30 weerar oo ay ku jiraan gantaallada cruise-ka, ay ku dhufteen kaabayaasha rayidka iyo militariga kahor duhurnimadii waqtiga maxalliga ah.
Dhowr xarumo ciidan oo ku yaal meelo kala duwan oo Ukraine ka tirsan ayaa lagu weeraray duqeymo xagga cirka ah. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in ay “dhexdhexaad ka dhigtey” saldhigyada ciidamada cirka ee Ukraine iyo nidaamka difaaca hawada.
ciidamada Ukraine ayaa sheegaya inay bariga dalkaasi ku soo rideen lix diyaaradood oo dagaal oo Ruushku leeyahay iyo diyaarad Helicopter ah, meel u dhow goobaha gooni u goosadka ee Ruushku maamulo.
Ruushka ayaa sheegay in uu bartilmaameedyo militari ku bartilmaameedsanayo hub sax ah oo casri ah, waxaana uu ka fogaaday meelaha ay dadku ku badan yihiin.