Home Wararka Caalamka Shir Jaraa’id: Sweden oo ka hadashey Duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine

Shir Jaraa’id: Sweden oo ka hadashey Duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine

0
Foto: Paul Wennerholm / TT

Raiisel wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa sheegtay in bog cusub oo mugdi ah oo taariikhda Yurub ah uu maanta bilowday “Ruushka wuxuu ku duulayaa waddan Yurub ah wuxuuna u hanjabayaa dawlad dimuqraadi ah,” ayay Andershon ku dartay shir jaraa’id oo hadda dhacaya.

Waxa ay carabka ku adkeysay in Sweden ay si adag u cambaareyneyso duulaanka Ruushka, iyadoo ugu baaqday Ruushka in uu kala baxo dhammaan ciidamada dagaalka kula jira Ukraine, lana ixtiraamo madax banaanida Ukraine.

Waxay tixgelisay in “duullaalka Ruushku yahay dembi cad, oo aan cudurdaar lahayn oo aan la difaaci karin, wuxuuna khatar ku yahay nabadda iyo amniga. Mas’uuliyadda arrintani waxay si buuxda u saaran tahay hoggaanka siyaasadda Ruushka, iyo sidoo kale mas’uuliyadda masiibada bini’aadantinimo.”

Shirka jaraa’id waxaa ka qeyb galaya wasiirka arrimaha dibadda Anne Lind iyo wasiirka gaashaandhigga Peter Holtqvist.

Andersson ayaa ugu baaqay waalidiinta ku nool Sweden in ay caruurtooda u sharxaan waxa dhacaya iyaga oo iska ilaalinaya in baraha bulshada ay ka dhacaan rabshado.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here