ku dhawaad 24 qof oo kamid ah Qaxootiga Sweden ee Diimada la siiyay ayaa ka soomay cuntada ay cuni lahaayeen iyagoo doonaya in dalalkooda loo celiyo.
Mid kamid ah Dadkaasi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Qaxootiga ku sugan Goobta ku taaalo Waqooyiga Stockholm ay diideen Cuntada.
Waxa uu sheegay in Booliska ku adagtahay in ay dib ugu celiyaan dadka halkaasi ku jiro Dalalkooda taasi oo keentay in mudo ka badan labo sano iyo bar in halkaasi lagu helayo.
Waxa uu intaasi ku daray in lagu xiray qolalka ay ku jireen si loogu qasbo cunto cunista lakin ay qaateen talaabada ah in aysan wax cunin.
Sweden ayaa sharciga diimada siisa Qaxootiga aysan u arkin kuwa u baahan Magangalyo siyaasadeed waxana qaarkood ay iskaga baxaan wadanka.
Somaliska Stockholm
Saxiibo makuwo Soo tahriibaa