Home News in English Gävle: Haweeney Gacanta laga Qaniinay Markii ay diiday in ay Raacdo Taxi...

Gävle: Haweeney Gacanta laga Qaniinay Markii ay diiday in ay Raacdo Taxi Suuq Madow ku Shaqeenaya

0
Bild: Fredrik Persson/TT

Haweeney 50 sano jir ah ayaa xalay lagu weeraray oo gacanta looga qaniinay Degmada Gävle markii ay diiday in ay ogolaato taksiile doonayay in qaab suuq madow ah u kaxeeyo.

Sida uu Booliska uu sheegay Haweeneyda ayaa markii hore u heesatay Taxi lakin waxay ogaatay in uu Qaab Madow ah u doonayay in uu u kaxeeyo.

” Waxay Taksiilaha waydiiday qaabka uu u kaxeenayo kadib ayay ogaatay waana ay ka diiday in qaabkaasi ay u raacdo ” Thomas Gustafsson ayaa warbaahinta u sheegay.

Ninka ayaana markaasi kadib gacanta ka qaniinay Haweeneyda si uu taleefanka ugu qaado.

Haweeneyda ayaana loo qaadin dhanka isbitaalka madama uu ahaa Dhaawac fudud. sida uu qoray Gefle Dagblad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here