Home Wararka Maanta Sweden oo Xabsi ku Xukuntay Dhaqtar Sameyn jiray Warqadaha Corona oo been...

Sweden oo Xabsi ku Xukuntay Dhaqtar Sameyn jiray Warqadaha Corona oo been abuur ah

0

Maxkamada ayaa maanta ku xukuntay dhaqtarka hal sano oo xarig ah kadib markii lagu helay in uu sameyn jiray warqado been abuur ah oo ku aadan Corona.

Dhakhtarku wuu dafiray dambiga wuxuuna rumeysan yahay in baaritaanka PCR, inta uu ogyahay, si sax ah loo lafa guray. Wuxuu ku adkaysanayaa inuusan isagu alifsan wax ficillo been ah.

Maxkamadda ayaa ku soo oogtay dhakhtarka dacwado la xiriira khiyaano, been abuur iyo dukumiintiyo been abuur ah.

Rugta caafimaad ee dhakhtarku ka shaqeeyo ayaa dadka safarka ah u soo saartay shahaadooyin tijaabo corona ah, shahaadaduna waxay u baahan tahay muddo laba saacadood ah laga bilaabo marka uu qofku tijaabada ka qaado, taas oo xaalad shaki ku abuurtay dad badan oo tijaabooyin corona ah ku soo maray xarunta caafimaadkiisa.

Goobo badan oo wadanka waxaa ka jira meelo dadka ay ka helaan warqadaha been abuurka ee Corona.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here