Home Wararka Caalamka Derek Chauvin oo lagu Xukumay 22 sano iyo Bar kaasi oo dilay...

Derek Chauvin oo lagu Xukumay 22 sano iyo Bar kaasi oo dilay George Floyd

0
Photo: AP

Maxkamad ku taalla Dalka Mareykanka ayaa soo gabagabeesay Xukun lagu riday Derek Chauvin oo lagu heesto dilkii George Floyd oo madow ahaa taasi oo caro xoogan ka abuurtay aduunka.

Derek Chauvin ayaa lagu xukumay 22 sano iyo bar kadib markii maxkamada lagu soo bandhigay cadeymo muujinaya dilka uu geestay oo ahaa mid ka fog xaquuqda aadanaha.

Bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd Markii Derek Chauvin uu qoorta jilibka ka saaray George Floyd oo 48 sano jir ah mudo 9 daqiiqo oo keentay in uu u dhinto hawo la’an xili ay daawanayeen labo kamid ah Booliska Mareykanka.

Qoyska George Floyd oo ka hadlay Xukunka Maxkamada ayaa soo dhaweeyay arintaasi waxayna ay sheegeen in Dowlada ay tilaabo u qaaday dhanka Cadaalada.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here