Home News in English Sharcigan ayaa ku Caawinaya Hadii Diidmo lagu siiyay Mudo dheerna aad joogto...

Sharcigan ayaa ku Caawinaya Hadii Diidmo lagu siiyay Mudo dheerna aad joogto Dalka

19

inta aanan guda galin warkeena ku saabsan Ciwaanka hore aad soo aragtay waxaan ku xasuusineynaa in aan ka jawaabnay badi Su’alaha aad nagu soo waydiiseen Warbixinteena hore ee Sharciyada Cusub sidaasi darteed hadii horay aad noo waydiisay su’aashaada fadlan ku laabo warbixinta hore adigoo riixaya halkan Riix hadii aad na waydiineyso su’al cusub fadlan qeybta hore ee warbixintan nagu waydii mahadsanid.

dhawaan wararkeena waxaan diirada ku saarnay sharciyada cusub ee dowlada Sweden soo saartay kuna saanbsan laanta socdaalka ama dadka cusub ee Dalka iska dhiibayo sharciyada waxaa ku jira sharciga dhigaya in qofka la siiyo sharciga dalka qaab bini’aadantinimo sharcigan waa mid xisbiyada badankooda kaga soo horjeedaan dowlada.

Sharciga waxa uu dhigayaa in qofka la siiyay diidmo uu wadanka sii joogi karo sababo bini’aadantinimo. taasi oo micnaheeda noqon karto arimaha qoys xaalada gaar ah.

Hadii aan sharaxno hadii lagu siiyay diidmo wadanka aad joogtay mudo dheer isla markana aad qoys iyo caruur ku leedahay markaasi waxaa lagu eegayaa arimo bini’aadantinimo mana la fiirinayo wadanka aad ka timid ama arimo kale dowlada waxay qiimeeneysaa xaaladaada sidoo kale qofka xaalada gaar ah heesta waxay dowlada qiimeeneysa xaaladaasi.

Fiiro gaar ah iyadoo sharcigan uu qafka caawinayo hadana markasta dacwada iyo kiiskaaga waxay ku xirantahay sida uu nasiibkaga uu noqdo ha u fahmin in sharcigaaga uu miiska saaranyahay marka uu sharcigan dhaqan galo 20 july lakin u qaado in ay tahay wado muhiim ah oo ku caawineysa.

Fadlan hadii aad qabto su’al la xiriirta warbixintan qeybta hoose ee warkan nagu waydii

Somaliska Stockholm

AD

19 COMMENTS

  1. Markii sharciga la isiiyey hada sanad iyo 4bil baa kasoo wareegtay hadii aan xaajigayga hada u dacwoodo ma shuruud baa laygu xirayaa yurub buuna daganyahay uk

  2. Xaaskayga ayaa labo mar diidmo layga siiyey hada Sweden ayay timi inaan dhiibo ayaan rabaa xagee wax ka bilaabi karaa caruurteedana halkaan ayay ku mool yihiin

    • Bro wey fududahay marka koowaad waxaa sameenee in aad isku wada adress noqotaan adiga, mamada iyo caruurta kadibna aa tagtaan Migrationsverket ka aadna usheegtaan in aad isqabtaan oo qoftii diidmada aysiinaayeen ay tahay hadan ay halkan joogto oodna isla nooshihiin feelkeeda saas uuku furmaa bro.

    • Siday u timid markaa xagay soo maray tay zhp anba xaaskayga ayaa saas oo kale la iga siiyay markaa waxaan rabaa inaan wadadaa aad soo mari say ana aan soo mariyo

  3. asc somaliska aad baan idiinku xidhanahay waxaan jeclaan lahaa inaad bal soo xustaan qofka dhalahada ka xaraysan tahay sanooyin ee aan ilaa hada gacan yare loo qaban iyo dhalshayadan 3 ama 4 sano la sugayo wax hadala dawladu maka sheekto miyaa

  4. asc sxb aniga waxaan qareen u ahay dhamaan dadka daadmada haysta ama caruur hadhaleen ama ama yaysan dhalin marka halkaas jawaab faahfaahsan baan rabaa dadk baa iga sugaya

  5. Walaalo Waan Ku Salaamay Salaan Ka Dib Waad Ku Mahadsan Tihiin Hawsha Aad Bulshada U haysaan, Walaalo Xaaskayga Ayaa Uga Dacwoonayaa Kenya, waxayna Haysataa Kenya Passport, Anigu Passportka Weyn Sweden Ban Haystaa oo Citizen Swedish Ah Ban ahay, Guri
    iyo Dhaqaalaba Waan Haystaa Alxamdulilah Dacwadi waxaan Furnay 2020 August, Xaaskayga Interview Way Martay Bishii March 2021, Walina Jawaab Ma helin , waxana Dirnay Bishan Horaanteedii Request Case Conclude , Ilaa Iminkana Wax Jawaab Ah Ma Hayno oo warqda Case Conclude Waa 4 Isbuuc Inaad Jawaab Ku Hesho Hadana 2 Isbuuc Baa Laga Jooga Xiligi An diray Warqadaas, Marka Walaalo Bal Arinkaas Ka waran Maxaad Iga Kordhin Kartaa Oo Fikir ah ??? Sharcigaan Cusubse Malaga Yabaa Inuu Aad U Caawiyo Kiiskeena
    Mahadsanid

  6. Asc wan idin salaamay somaliska, waxaana idin rajeynaa caafimaad, howsha aad umada somaliyeed u heysaan alle ajir ha idinka siiyo. Intaas kadib su aasheyda waxa weye, aniga xaas iyo caruur ayaa ii dagan swedan anigane wadan kale oo yurub ah ayaan ku noolahay, laga soo bilaabo 2015 ila iyo hada waxaan in badan isku dayey in aan xaaskeyga iyo caruurtey hal meel kuwa noolaan oo aan u soo wareego markasto diidmo ayaa ley siiyaa, marka sharcigaan muxuu iga caawin karaa aniga.
    Wad mahasantihiin.

  7. Walalow waxan ku waydiinayaa waxan mudo sugayaa paspoortka wayn anigoo wax shuruud ah la igu haysan 8dii sanana waan buuxiyey Handledare ma lihid baa la ilee yahay maxaan sameeyaa

  8. Marka Hore waan idin salaamay Somaliska Waxaan rabaa inaad iga caawisan dhibaato yar oo i heesata waxaan soo galay wadankan swedan 2014 waxaa laysiiyay labo mar oo diidmo ah reer baan ku yeeshay oo hal ilmo ah baa ii jooga waxayna iyiraahdeen wadanka ka saaris baa ku saaran waxayna hada igu hayaan xarumaha dadka celiska lagu celiyo aniguna wadanka aan ka imid wax ducument ah kama heesto ay igu celiyaan waxaana hada kujiraa xaruntan 8bilood Marka sharcigan ay soo saaren aniga ma i rajo galinayaa aad baan ugu xiranahay bartiina waxaana idin ka codsanayaa inaad jawaab isoo siisaan waad Mahadsantihiin !

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here