Xisbiga Vänsterpartiet ayaa maanta ku dhawaaqay go’ankooda ugu danbeeyay ee ah in ay kalsoonida kala noqday dowlada uu hogaaminayo Raisal Wasaare Stefan.
Go’anka Xisbiga ayaa yimid kadib markii ay dhamaatay mudada loo qabtay Xisbiga Socialdemokraterna ee ku aadan khilaafka ka taagan sharciga kireynta guryaha ee cusub.
Hogaamiyaha Xisbiga Nooshi Dadgostar ayaa horay dowlada ugu baaqday in leeskugu yimaado wada-hada isla markana wax laga badalo qorshaha Dowlada ee ku aadan suuqa kireynta guryaha ee muranka ka jiro.
Daqiiqado ka hor intaan la gaarin 10-ka subaxnimo ayay dowladda ka jawaabtay dalabka bidix, iyadoo wasiirka cadaaladda Morgan Johansson uu ku casuumay dhinacyada suuqa guryaha inay ka wada hadlaan soo jeedinta kirada guryaha ee muranka badan dhaliyay.
Sharciga Cusub ee Xisbiga V kasoo horjeedo ayaa ah in aan Shirkadaha guryaha loo fasixin in qiimaha ay rabaan ku kireeyaan guryaha taasi oo keeni karta in uu aad u qaaliyoobo guryaha maanta dadka kireestaan.
It is ironic that the parliament has lost confidence