Home Wararka Caalamka Jarmalka oo soo bandhigay tirada Qaxootiga uu siiyay Sharciga Sanadkii hore

Jarmalka oo soo bandhigay tirada Qaxootiga uu siiyay Sharciga Sanadkii hore

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jarmalka ayaa ku dhawaaqday bishii Janaayo in tirada codsiyada magangalyada ee Jarmalka ay hoos u dhacday 30% sanadka 2020 marka loo eego 2019, Masuuliyiinta Jarmalka ayaa diiwaan galiyay in kabadan 76,000 oo codsi magangalyo ah bilawgii sanadkii hore, waxayna hoos uga dhacday 31.5% marka loo eego sanadka 2019.

Codsadayaasha badankood waxay ka yimaadeen Syria, Afghanistan, Iraq iyo Turkey. Intaas waxaa sii dheer, 26,520 codsi oo kale oo magangalyo ah ayaa loo gudbiyay carruurta ka yar hal sano ee ku dhashay Jarmalka waalidkoodna aan Jarmalka ahayn, wadar ahaan 102,581 codsi sannadka 2020. Qiyaastii 37,800 oo qof ayaa helay qaxooti isla sannadkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Horst Seehofer wuxuu tixgeliyey in hoos u dhacan ku dhowaad saddex meelood meel codsiyada ay qayb ahaan sharrixi karto aafada Corona, taas oo horseeday hoos u dhaca duulimaadyada caalamiga ah iyo xirnaanshaha xuduudaha, gaar ahaan guga. Laakiin marka la eego wasiirka muxaafidka ah iyo taageeraha adkeynta kantaroolka xuduudaha, hoos u dhaca afarta sano ah “wuxuu sidoo kale muujinayaa in talaabooyinkayaga aan ku xakamaynay soo galootiga ay keenayso natiijooyin.”

Jarmalka ayaa kamid ah wadamada Yurub ee dhanka Qaxootiga ugu feecan iyadoo Qaxootiga qaar la siiyo fursado ay ku shaqeynsan karaan mudada ay sugayaan sharciga.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here