Home News in English Qoys ka kooban Aabe, Hooyo iyo Todobo Caruur oo laga saaray Gurigooda...

Qoys ka kooban Aabe, Hooyo iyo Todobo Caruur oo laga saaray Gurigooda Magaalada Malmö Dhawaq caruurta dartii

0
Foto: johan Nilsson

Qoys ka kooban aabe, hooyo iyo todobo caruur ah ayaa wajahaya in laga saaro aqalkii ay daganaayeen ee ku yaalay xaafada Rosengord, Malmö, sababo la ”xiriira “buuqa caruurta.

Go’aanka shirkadda guryuhu ku cayrisay qoyska ayaa heshay awood sharci kadib markii ay maxkamaddu ku xukuntay go’aanka ka saarista. Sida laga soo xigtay hemhyra.

Qoysku 10 sano ayey ku noolaayeen gurigaas oo ka kooban 4 qol. Si kastaba ha noqotee, deris ku noolaa qeybta hoose ee guriga reerka ayaa ka cawday buuq “aan la aqbali karin” intii ay caruurtu ciyaarayeen oo ay ordayeen.

Naxdinta koowaad waxay ahayd markii shirkadda guryeynta (Victoria Park) ay joojisay heshiiska kirada reerka deyrtii sanadkii hore. Qoysku ayaana ku noolaa sanad guriga taasi aan waxtar u lahayn.

Aabaha reerka ayaa yidhi “Waxay na dhaheen waa inaan baxdaan”. Ma lihin meel kale oo aan degno. Waxaan ku daalnay cilmi nafsi ahaan arinkan. Carruurtu way baqayaan oo habeenki ma seexan karo.

Kiis la mid ah kiskan ayaa ka dhacay Uppsala markii deriska ay ka cawdeen dhibaatada ka dhalatay ciyaarta cunug 4 jir ah, laakiin maxkamadda kirada ee degmadu waxay xukuntay in qoysku sii joogo guriga waxayna ogaadeen in ciyaarta carruurtu ay caadi ka tahay guryaha qoysaska badan, deriskuna way aqbali karaan tan xitaa haddii ay macquul tahay. Sida ku cad go’aanka.

Somaliska Malmö

Xigasho/Heymhyra

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here