Home Wararka Caalamka Maxkamadda Dastuuriga ah ee wadanka Austria oo xayiraadda ka qaaday mamnuucida xijaabka...

Maxkamadda Dastuuriga ah ee wadanka Austria oo xayiraadda ka qaaday mamnuucida xijaabka ee dugsiyada hoose

0

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Austria (VfGH) ayaa xayiraadda ka qaaday mamnuucida hijaabka e dugsiyada hoose ee Austria ka oo la mamnuucay illaa 2019.

Sharcigan oo muranka dhaliyay ayaa la ansixiyay intii ay jirtay dowladdii ÖVP-FPÖ. Garsoorayaasha dastuurka waxay caddeeyeen go’aanka ah in qawaaniintu ay gaar u tahay diin gaar ah, Islaamka, iyada oo aan loo helin cudurdaar dheeraad ah, oo ka hor imanaya shuruudaha dhexdhexaadnimada diinta iyo fikirka.

Maxkamada aya sheegtay in mamnuucistii hore iyo habka loo maray ay ahyd mid aan lagu soo bandhigin cadaymo ku filan.

Shuruudaha dhexdhexaadnimada diinta Sida madaxweynaha VfGH, Christoph Grabenwarter uu ku sharraxay bayaankiisa jimcihii, mabda’a sinnaanta ee la xiriirta xuquuqda xorriyadda fikirka, iyo diinta ayaa caddeynaya dhexdhexaadnimada diinta iyo fikirka.

Iskuulada hoose caruurta kuma xiran karin hijaab blse goaankan maxkamada ay ku dhawaqday aya waxaa si wayn u soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan barlamanka Austria.

Martha oo ka mida barlamaanka Austria isla markana hijaab ku dhax xiratay xarunta barlamanka Austria si ay taageero ugu muujiso muslimiinta isla markna halgan dheer u gashay in sharcigan meesha laga saaro ayaa qoral ay soo saartay waxay ku sheegtay in halgankii dheera lagu guulaystay isla markana ay la jirto cid walba oo dhiban waxyna goaanka maxkamada ay ku tilmaamtay mid loo baahnaa oo xili wanagsan ku soo aday.

Xisbiyada inta badan ka soo horjeeda soogalootiga islaamka ah ayaa iyagu talabadan ka naxay blse maxkamada ayaa tilmaamtay in aan la cadeyn sababo muhiim ah oo hijaabka loo mamnuucayo Goaankan oo galinkii danbe ee jimacaha lagu dhawqay waxaa soo dhaweeyay siyaasiyiin bdn oo ku jira dowlada Austria iyagoo tilmaamay saraynta sharciga loo wada siman yhy

Samiir Xasan Adan

Vienna, Austria

u gaar ah Somaliska.com Austria

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here