Home Wararka Maanta Labo dil oo ka kala dhacay Magaalooyinka Malmö iyo Stockholm

Labo dil oo ka kala dhacay Magaalooyinka Malmö iyo Stockholm

0

Wiil 17 sano jir ah ayaa laga helay banaanka magaalada Malmö. dhacdadaasi oo dhacday habeen ka hor Talaadada.

Jirka wiilka waxaa ku yaal dhaawacyo uu qof ku sameeyey
Booliska ayaa ka shakisan in wiilka la dilay.

Wiilkasi oo lagu qaaday Ambalaas ayaa la dhigay isbitaalka. Laakiin wuxuu u dhintay dhaawicii soo gaadhay.

Booliska cidna uma qaban. lakin waxay raadinayaan markhaatiyaal.

Magaalada Beckomberga ee galbeedka Stockholm, nin kale ayaa isna laga helay banaanka.
Ninkaasi oo la toogtay. Markii dambe ayuu u dhintay dhaawicii soo gaadhay.
falkaasi oo dhacday goor dambe habeenkii isniinta.

Booliska Stockholm ayaa sheegay in la dilay qofkaasi. Wali cidna maysan u qaban.

Dilalkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dalka sweden ay ka dhacaan weeraro mararka qaar isku geestaan kooxaha gangiska ah.

somaliska Stockolm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here