Home Wararka Caalamka Taliyaaniga oo diiday Markab kale oo Muhaajiriin ka soo badbaadiyay bada Mediterranean

Taliyaaniga oo diiday Markab kale oo Muhaajiriin ka soo badbaadiyay bada Mediterranean

0
Masuuliyiinta Talyaaniga ayaa diiday markabka soo badbaadiyay muhaajiriin ee lagu magacaabo Sea-Watch 4 dekedda magaalada Sicilian ee Palermo.

Maamulka dekedda Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay markab NGO-calaniisa wata oo lagu magacaabo Sea-Watch 4 oo ku sugan Palermo kadib kormeer qaatay 11 saacadood, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka ee ka shaqeeya markabka.

Sida laga soo xigtay kooxahan oo ay ka mid yihiin Kaniisadda Protestant-ka Jarmalka (EKD) iyo Dhakhaatiirta Aan Xudduudda Lahayn (MSF), mas’uuliyiintu waxay caddeeyeen tallaabadaas iyagoo sheegay in badbaadinta dadka aysan waafaqsanayn diiwaangelinta markabka.

Philipp Hahn oo ah madaxa howlgalada markabka Sea-Watch 4 ayaa yiri “Cudurdaaradan foosha xun waxay mar kale muujinayaan inaysan aheyn arrin lagu hubinayo badqabka markabka, laakiin ay tahay talaabo ula kac ah oo looga hortagayo dadka rayidka ah ee laga soo badbaadiyay badweynta.

Sea-Watch 4 ayaa ku sugan dekedda Sicilia ee Palermo tan iyo horraantii Sebtember, markii ay halkaas keentay qaxooti iyo muhaajiriin lasoo badbaadiyey oo halkaas la geeyey Shaqaaluhu waxay soo mareen laba toddobaad oo karantiil ah cudurka faafa ee coronavirus darteed.

Sida laga soo xigtay United4Rescue, waa markii shanaad ee markab samatabixiyay dad rayid ah la haysto. Sea-Watch 3 waxaa lagu xaddiday dekedda  muddo ku dhow lix bilood sannadka 2019.

Somaliska Stockholm

Xigasho/WD

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here