Heerka Shaqo la’anta Sweden ayaa gaartay halkii ugu sareesay tan iyo sanadkii 2014 sida uu sheegay xafiiska Shaqada waxaana mudo isbuuc ah iska diiwaangaliyay xafiiska shaqada 11,057 qof halka 2,618 qof la siisay digniin ah in shaqadooda dhamaatay.
Madaxa Falanqeynta Xafiiska Shaqada Annika Sunden ayaa warbaahinta u sheegay in warbixinada shaqo la’anta ay soo kordhayaan maalinba maalinta ka danbeesa waxay intaasi ku dartay in digniino kale la filan karo ilaa laga baxo xanuunka safmarka ee Corona.
Heerka Shaqo la’anta Sweden ayaa korortay tan iyo markii Xanuunka Corona uu ka bilowday Dalka waxana xiligaasi wixii ka danbeeyay kordhay dadka shaqadooda laga buriyay.
Somaliska Stockholm
Wararka kale ee Maanta
AD