Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo markale soo bandhigtay Hindisaha Sharci Cusub oo Argigixisada ah

Dowlada Sweden oo markale soo bandhigtay Hindisaha Sharci Cusub oo Argigixisada ah

0

Dowladda ayaa soo bandhigeysa hindise cusub kaasoo danbi ka dhigaya la shaqeynta urur argagixiso.

Hindisahan ayaa ah mid hore oo dib u habeyn lagu sameeyey kadib markuu golaha shuruucda horey u sheegay inuu hindisahani ka hor imanayo dastuurka dalka.

Maanta ayaa hindsidaha loo gudbinayaa talo bixin, sida uu wasiirka cadaaladda Morgan Johansson u sheegay Ekot.

– Dib baa loogu noqday hindisaha iyadoo la eegayo waxyaabaha uu ogol yahay dastuurka, ayuu yiri Morgan Johansson.

Waxey aheyd dhamaadii bishii febraayo markii ay dowladdu u dirtay golaha shuruucda soo eegidda iney danbi noqoto ka qeyb qaadashada howlaha urur argagixiso iyo la shaqeyntiisa. Golaha shuruucda ayaa ku soo jawaabay in arrintaasi ka hor imaaneyso xoriyadda ka mid noqoshada urur ee uu difaacayo dastuurka taasoo sababtay in dowladdu dib ugu noqoto hindiseheeda.

Wasiirka cadaaladda Morgan Johansson ayaa imminka doortay in laga saaro hindisaha arrrinta danbiga ka dhigeysa ka qeyb qaadasho urur balse la balaariyo danbiyada la shaqeynta urur argagixiso.

– Tusaale ahaan waxa soo gelaya danbiyadaa u ogolaasho urur argagixiso gole lokaal ah ama dhul iyo dhoof dibedda ah ee qofku la shaqeynayo urur argagixiso, ayuu yiri Morgan Johansson.

Wasiirka cadaaladda ayaa sheegay in muddada dib eegida hindisahani ku ekaan doonto lix todobaad iyadoo dowladdu ay ku tala jirto in la helo sharci cusub ee la shaqeynta argagixisada sanadka soo socda.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here