Mudo dhoor bilood kadib waxaa muuqata in uu jiro heshiis isku soo dhawaansho ah taasi oo keentay in xisbiyada isbahestay ay ka tanaasulaan siyaasadooda runta aheyd ee keentay in ay sameestaan isbaheysiga Röd grona iyo Alliansen waxana hada muuqata in Stefan Löfven uu noqonayo Raisal wasaaraha Sweden lakin taasi ayaa ku timaaday in Xisbiga uu ka tanaasulo qeybo kamid ah siyaasada xisbiga si uu u helo taageero dhameestiran.
Hogaamiyaha Xisbiga ayaa lagu wadaa in uu maalinta Jimcaha loo qaado codka Barlamaanka si u u hogaamiyo Dowlada cusub ee afarta sano ee soo socota waxana arintaasi ku timid kadib markii labada xisbi ee L iyo C ay taageero u muujiyeen dowlada oo ogolaatay sharuudaha ay wataan xisbiyadaasi oo aad u adag.
Taageerada labada xisbi ayaa dhanka kale waxay keentay in Xisbiga V oo ka tirsan garabka röd grona in uu ka laabto taageeradiisa isagoo sharuud uga dhigay Codkiisa kamid noqoshada dowlada la dhisayo xiligan.
Heshiisyada la gaaray isla markana la hadal hayo waxaa kamid ah.
Sharciga dhigaya in Luuqad lagu xiro Qofka noqonaya muwaadin Swidhish ah ama qaadanaya Basaboor weyn ayaa miiska saaran si Barlamaanka loo horgeeyo hadii stefan löfven uu guuleesto inkastoo wali aan la shaacin nuuca imtixaanka hadana waxa uu noqon karaa Mid Computer (Dator) lagu qaado ama mid afka laga qaado kaasi oo aad mareyso inta aadan codsan Basaboorka iyo qodobo kale oo canshuurta kamid tahay Wadanka Norway ayuu horay uga bilowday Sharcigaasi.
lama ogaan karo waxa dhici kara Maalinta jimcaha oo la filayo codeenta barlamaanka madama Dowlada ay u baahantahay taageerada Xisbiga V ee codeenta Barlamaanka.
Lasoco Wixii ku soo kordha Xaalada Barlamaanka ee Jimcaha.
Somaliska Stockholm
su aal sxb Yuu qabanaya sharcigaan haduu dhaqan galo. dadka uu u xaraysan yahay ee go aanka sugayo makujiraan.
?mise waxaa uu qabanaya haduu dhaqan galo dadka soo dalban doono?
Waxa uu Sharciga qabanayaa Qofka ka danbeeyay qofka xareestay isaga wuuba xareestay oo maqabanayo walal
Asc waxaan daganahay jarmalka sweden waa dal qaxootiga aad ugu fiicnaa waligayba uma qabin inaan qof luqad dalka ku hadlin la siin karo passportka jarmalka maba siiyo somalida mid mid ilaah uga qaaday kaasna waa inuu luqada haystaa B1 shahaadada layiraahdo iyo warqada cadaynta dhaqanka siyaasada oo ayana examkale ka ah 8sano dalka joogtid shaqaynayay 3adii sano udambaysay dambi galin kala wanaagsan jarmalka iyo sweden allaha idin ku amaansado
Äbdi Mudalib hada ayuu soo xumaanayaa sida muuqata waxana kala jeedaa dhanka sharciga lakin wadanka Sweden waa wadamada ugu feecan ee dhanka xaquuqda qaxootiga marka loo fiirsho kuwa kale ee Yurub thanks
Runti arinkan waa mid aad iga nixiyay 8 sano bar baa iga harsan hadi shekadan run noqoto waa i niyad jab wayo hadey dhowr sano iga dhinan laheyd wax beey ahan leheed teda kale hooyo caruur heysata sidaa dhaw wax barasho kuma dhameyn karto yaa qeerka ilaah baa garanayo runti kuma farxin midaa
Sahra Waa Runta lakin intii dadaalkaaga samee si aad kaga badbaado hadii ay dhacdo in sharciga uu soo kordho waayo Xisbiyada ku heshiiyay waa kuwa Qaxootiga taageersanaa hadii ay Barlamaanka hor dhigaan waa hubaan uu dhaqan galayo waayo kuwa kale way kasoo horjeedan Qaxootiga Mahasanid
su aasha aan qabo waxay tahay waxaa la dhahay shuruud afka ah, mexey tahay shuruud af ah ma su aalo afka lagaa weydinayo mise SFI wax ku saabsan. Mahadsanidiin Somaliska jawaabta lasoo dhaqsada adinkoo mahadsan.
Goormee laga yaabaane in la hor geeyo baarlamaanka ama sharcigaas uu dhaqan galo waa heshiiska baasaboorka su aalo afka lagu xeri rabo jawaabta waa xagiina somaliska
walal waa imtixaan ku aadan luuqada tusale in afka lagaa waydiiyo ama computer lagaga qaado
Qofk a Mawaxa lagu xujaynaya in u gurundiga dhameyo mise SFI in ushahado kahesto
taas lama oga lakin waxaa la sugaa nuuca ay ka dhigaan