Dowlada Sweden qeybteeda socdaalka ee Migrationsverket ayaa dib u eegis qaas ah waxay ku sameesay xaalada amaan ee ka taagan Dalka afganistan oo qaxootiga badan kasoo galaan,
Qoraal kasoo baxay qeybta socdaalka ee Migrationsverket ayaana lagu cadeeyay natiijada kasoo baxday dib u eegista lagu sameeyay xaalada dalkaasi,
Warbixinta ayaa lagu sheegay in wax isbadal ah uusan ku imaan qaabka qaabilaada qaxootiga ka yimaada Dalkaasi ee magangalyo doonka lakin taasi badalkeeda la raacayo xaalada dalkaasi si taxadar leh,
Fredrik Beijer oo ah madaxda arimaha sharciga ee Qeybta socdaalka Sweden ayaa sheegay in ay tahay in la fahmo isla markana la xushmeeyo wal walka la xiriira aadida dalkaasi,
” runtii waxaan dib u firinay xaalada dalkaasi mudo dhoor isbuuc ah weerarada dalkaasi ka dhaca waa kuwa la xiriia xaruumaha ay leeyihiin ururada caalamiga iyo ciidamada xooga dalka Afganistan” Fredrik Beijer ayaa sidaasi sheegay
Qeybta Socdaalka ee Sweden ( Migrationsverket ) ayaa intaasi ku dartay in Shacabka Afganistan ay ku laaban karaan Dalkooda lakin taasi waa qiimeen lagu sameenayo qof walbo iyo kiiskiisa,
Fredrik Beijer ayaa ugu danbeyn intaasi waxa uu ku daray in rabshadaha caasimada Kabul ay istaageen isla markana lasii raacidoono hormarada la sameenayo,
Somaliska Sweden
Fadlan noo reeb fakarkaaga