Sweden Qofka gaara Waxbarashada schoolka Sare oo Sharciga Rasmiga helaya..

2

Wakaalada Socdaalka Dalka Sweden ee Migrationsverket ayaa sheegtay in Sharciga daganaashaha rasmiga ay helyaan dadka waxbarashada ka gaara heerka sare ee loo yaqaano (gymnasiestudier) arintaasi ayaa timid xili Dadka qaatay sharciyada ay heleen sharci ku meel gaar ah.

Dadka da.dooda ay la egtahay 17 ilaa 24 ayaa lagu sheegay in ay heli karaan sharciga Daganaashaha rasmiga iyadoo loo sababeenayo heerka waxbarashada ka gaareen halka markii hore lagu xiray sharuudo adag.

Sharciyada cusub ee soo baxay sanadkii hore ayaa dhigayay dadka helay sharciga ku meel gaarka in ay helaan shaqo isla markana meeleeyaan naftooda.

Sharciga rasmiga waxaa heli kara dadka waaweyn kuwaasi oo aan shaqeen waxayna ku heli karaan in waxbarashada ka gaareen qeybta sare sida (vuxenutbildning).

Sharcigan ayaana fursad siin kara dad badan oo heesta sharciga ku meel garaka isla markana aan heesan shaqo rasmi ah.

Ugu danbeyn qeybta socdaalka Sweden ayaa dib u fiirindoonta qofka aan buuxin sharuudahan ee sharcigiisa ku meel gaarka uu gaaro mudo 13 bilood ah taasi oo noqon karta in laga qaado.

Macluumaadka waxa uu ku saabsan yahay dadka heesta Sharciga ku meel gaarka.

Fadlan hadaa su.al heyso noo soo gudbi si aan kaaga caawino.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here