qaxootiga iska dhiibay dalka finland ayaanan helin wax sharci ah mudo labo sano iyo ka badan kuwaasi oo qaarkood heesta diidmo waxana arintaasi sabab u ahaa qul qulka qaxootiga gaaray dalkaasi oo Somalida ku jirto,
isbadalka horay ugu dhacay qaxootiga iska dhiibay Dalkaasi waxaa kamid ahaa dadka badankooda oo helay diidmo xataa kuwa heestay cadeemo sax ah,
tan iyo markaasi Qaxootiga ku sugan dalkaasi ayaa iskaga tagay wadankaasi halka qaarkood ay wali joogaan sababtoo ah dowlada Finland dadkaasi kama goosan lacagaha ay qaadan jireen kamana saarin kaamamka ay ku suganyihiin,
isbadalka la filayo.
isbadal weyn ayaa hada la filayaa dadka ku sugan Finland kaasi oo ku aadan doorashada Dalkaasi ka dhacday dhawaan oo lagu doortay madaxweyne cusub,
Doorashada ayaa lagu doortay Madaxweynihii hore ee Dalkaasi Sauli Niinisto oo helay codadka la tiriyay boqolkiiba 62% hase yeeshee dadka qaar ayaana isbadal ka fileen madama horay xilka u hayay,
Dowlada Finland ayaa u baahan qaxooti soo gala dalkeeda madama ay sanadkii 2014 ku dhawaaqday in ay u baahantahay qaxooti hase yeeshee arintaan ku aadan diidmada ayaa sabab looga dhigay in ay kaga hortageyso qaxootiga badan ee ka imaanaya Dalka suuriya oo gaaray dalkaasi,
isbadalka ku yimaada lasoco
Somaliska Finland