Sanadkii 2015 wixii ka danbeeyay waxaa isbadal ku yimid hanaanka loo maro wareysiga qofka magangalya doonka ee ku sugan Sweden iyo waqtiga uu helayo jawaabta.
Mudo 6 bil ah ayey ku qaadan jirtay qofka iska dhiiba Dalka sweden halka jawaabta uu ku heli jiray 6 bil ama in ka badan waxaa aqrinta Wareysiga laga qaaday loogu soo diri jiray labo isbiic si uu isaga hubiyo waxa uu sheegay.
Qeybta socdaalka sweden ee migrationsverket ayaa badashey qaabkaasi waxaana qofka ku qaadataa mudo 1 sano ah in uu sugo wareysigiisa halka jawaabta ay qaadato mudo kooban.
migrationsverket ayaana arintaasi ku macneeyay tirada dadka maganalyo raadiska ed Dalka iska dhiibay oo dhaafay xadiga loogu tala galay sanadkii 2015 iyo in layareeyo qul qulka dadka soo gaara Dalka Sweden.
Sanadkaan 2018 waxaa jira dad badan oo jawaabta  kiiskooda sugaya labo sano iyo in kabadan dadkaasi majiro wax dhib ah oo ka taagan magangalyo raadiskooda marka laga reebo waqtiga dheer ay ku qaadatay jawaabta
Tan iyo markii lasoo saaray sharciyada cusub waxaa hoos u yaraaday tirada iska dhiibtay Dalka Sweden ee magangalya doonka.
Somaliska Stockholm