Muhaajriinta ay soomaali ka mid tahay oo dooni kula degtay xeebaha dalka Yeman

0

Muhaajiriin iskugu jira soomaali iyo itoobiyaa, ayaa dooni ay saarnaayeen waxaa kula degtay meel u dhow xeebaha Cadan ee dalka Yeman toddobaadkii ina dhaafay bartamihiisa. 

Hey’adda qarammada midoobey oo warkan shaacisay, ayaa tilmaantay in qaxootiga doonta saarnaa ay tiradoodu aheyd 152 ruux, oo 30 ka mid ah ku dhinteen doontaas ku degtay xdebaha Yeman. Kooxo muqalasiin ah ayaa la sheegay ineey qaxootiga doontaas saarnaa si sharci darro ugu wadeen dalka Jabuuti islamarkaasina ay cadaadis badan saarayeen rakaabkii saarnaa oo ay ka doonayeen lacag dheeri ah.

Doontan ayaa u socotay dalka Jabuuti ka hor intii aaneey ku degin xeebaha Yeman. Sanad walba xeebaha dalal shisheeya ayaa waxaa ku dhinta mujaajirin ay soomaali ka mid tahay kuwaas oo dalalkoodii ka soo hayaamay si u galaan dalalka Yurub oo uga helaan nolol ka duwan tan taala dalkooda.

Somaliska.com-Göteborg

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here