Baaritaan cusub oo la soo saaray ayaa muujinaya baasaboorada aduunka ugu qiimaha badan iyo kuwa ugu liita. Baaritaankaan oo ay samaysay shirkada Henley & Partners ayaa waxaa kaalinta 1-aad galay baasaboorka Germany oo 177 wadan viiso la’aan ku gali kara. Halka Sweden ay gashay kaalinta 2-aad oo ay dadka baasaboorka Swedishka haysta u safri karaan 176 wadan.
Wadamada Ingiriiska, France, Italy, Spain iyo Finland ayaa kaalinta 3-aad galay oo 175 booqan kara. Halka Maraykanka, Belgium, Denmark iyo Holland ay kaalinta 4-aad ku jiraan.
Dhinaca kale, baasaboorada ugu qiimaha liita aduunka ayaa kaalinta 1-aad ee ugu liidata waxaa galay Afghanistan, Labaad Paskistan, sadexaad Iraq iyo afaraad oo ay gashay Somalia.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
AD