Home Wararka Maanta Waa Ganaax dhan 2000 kr Qofka jabiya Sharciga Cusub ee Sweden (...

Waa Ganaax dhan 2000 kr Qofka jabiya Sharciga Cusub ee Sweden ( Soo jeedin )

0
Foto Janerik Henriksson / TT

Xafiiska dacwad soo oogaha guud ee Sweden ayaa soo jeediyay in la ganaaxo 2000 oo karoon oo ah ku xad gudubka sharciga ku meel gaarka ah ee Corona ee uu dhawaan meel mariyey baarlamaanka

Booliska ayaa soo saari doona ganaaxyada. Lacagta waxaa loo doortay si “ganaaxu ugu muuqdo mid macquul ah oo ay aqbali karto bulshada,” sida ay Xeer-ilaalinta Guud ku qortay war-saxaafadeed ay maanta soo saartay.

Qadarka waa inuu noqdaa mid ballaaran oo looga digayo halista ku tumashada sharciga, ayay tiri xeer ilaaliyaha guud Petra Lund. Qiimeyntayada guud waxay tahay in 2,000 karoon uu yahay heerka saxda ah. Xaaladaha ugu halista badan ee faafitaanka infekshinka, waxaa suurtagal ah in la isticmaalo sharciyo kale, sida ku xusan xeerka ciqaabta. oo lagu qoray boga SVT.

Soo jeedinta waxaa si deg deg ah loogu gudbin doonaa baarlamaanka si ay go’aan uga gaaraan 18 Janaayo, wuxuuna dhaqan gelayaa Janaayo 27.

Sharciga kumeelgaarka ah ee Corona wuxuu u oggol yahay dowladda inay xadido saacadaha shaqada ee dukaamada, matxafyada, iyo goobaha jimicsiga, iyo inay mamnuucdo booqashada jardiinooyinka, xeebaha iyo meelaha kale ee bulshada si loo yareeyo saxmadda. 

Waxay sidoo kale awood u yeelan doontaa inay xoojiso gebi ahaanba xiritaanka xarumaha dukaamaysiga, saldhigyada tareenka iyo gaadiidka dadweynaha. Sharciga ayaa dhigaya in ganaax la saaro dadka aan u hogaansamin mamnuucida joogitaanka meelaha qaarkood, ama ku xad gudbaya tirada ugu badan ee dowlada ee dadka isugu imaanay

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here