Home News in English Hooyo iyo Aabe Somaliyed oo Xabsi iyo Tarxiil lagu xukumay Markii Caruurtooda...

Hooyo iyo Aabe Somaliyed oo Xabsi iyo Tarxiil lagu xukumay Markii Caruurtooda ay Dhaqan-celin ugu direen Somaliya

0
Sawir) Niels Christian Vilmann / Ritzau Scanpix

Hooyo iyo Aabe Somaliyed oo ku nool Denmark ayaa lagu xukumay Xabsi Hal sano ah iyo Musaafurin ka dhalatay in Caruurtooda si qasab ah Somaliya ugu direen.

Maxkamadda ku taal magaalada Lyngby, ayaa lasoo taagay lamaane soomaali ah oo 54 jir iyo 55 jir ah ayaa lagu eedeeyay inay labo ka mid ah carruurta labada lamaane u direen xero waxbarasho oo ku taala Soomaaliya halkaasi oo Quraanka ku soo baranayeen.

Aabaha iyo Hooyada oo Caawin ka helaya Wiilkooda oo dhinac ah iyo Gabadha oo kasoo horjeeda ayay Dacwada dhexmartay iyadoo Cadeymaha lasoo bandhigay ay keentay in Waalidka lagu rido xukunka.

xabsi ugu yaraan hal sano  ka dibna dib loo mastaafuriyo, ayay tidhi dacwad ooge sare oo ka tirsan bilayska Waqooyiga Shiilland Susanne Terp Kjølhede.

– Iyagu (carruurtu, ed.) Waxay la kulmeen guuldarro aad u xun, waxaana lagala noqday nolol maalmeedkoodii,  ayay ku tidhi maxkamadda dhexdeeda.

Waxay kaloo aaminsan tahay, inaysan ka hor imaanayn waajibaadka caalamiga ah ee Danmark ka saaran masaafurinta lammaanaha.

Kiiskan ayaa quseeya labada caruur ee lammaanaha u direen Somaliya – gabar iyo wiil – oo 15 iyo 17 sano jir safarka ayaana dhacay 12-kii July 2018 magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Dhowr toddobaad ka dib, saaxiibbadii gabadha ee Danmark ku nool ayaa Xiriir la sameeyay iyadoo u sharaxday dhibka heesta halkaasi oo dhibka uu kasoo bilowday

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here