Home Wararka Maanta Goobaha laga Akhristo Buugaagta (biblioteket) oo markale dib loo furay

Goobaha laga Akhristo Buugaagta (biblioteket) oo markale dib loo furay

0
Foto: Christine Olsson / TT

Qaar badan oo ka mid ah maktabadaha dalka ayaa mar kale albaabada loo furay ka dib markii ay Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha ka laabatay talo hore oo ahayd in la xidho, si loo xaddido faafitaanka fayraska Corona.

Hay’addu waxay shaacisay in dhammaan maktabadaha – oo waxqabadyadooda ay ku qoran yihiin “kuwo aan muhiim ahayn” – in la xiri doono illaa 24-ka Janaayo

Laakiin maalmo kadib, taladii waa laga noqday, maadaama ay jabisay sharciga Maktabadda, oo sheegaya in maktabadaha ay yihiin waxqabad bulsho oo muhiim ah.

Xaqiiqdii, maktabado badan ayaa mar kale furmay badankoodna dib ayaa loo furi doonaa kahor Janaayo 24th.

Karen Linder oo ah xoghayaha guud ee ururka maktabadaha ayaa u sheegtay TV-ga Sweden ” Maamulayaal badan oo maktabado ah ayaa e-maylo cadho leh ka helay dadka deegaanka oo aan fahmin sababta maktabada loo xidhay

Waxay tixgelisay in isbeddelka ku yimid talo-bixinta iyo dareenka la socday taasi ay ahayd wax wanaagsan.

Linder ayaa carabka ku adkeysay in maktabadaha ay lama huraan u yihiin xitaa marka lagu jiro xaaladaha dhibaatooyinka, iyadoo la tixgelinayo muhiimadda ay u leeyihiin bulshada

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here