Home News in English Mustafa Xasan oo loo tarxiilayo dambi ay gashay Hooyadiis isagoo 18 sano...

Mustafa Xasan oo loo tarxiilayo dambi ay gashay Hooyadiis isagoo 18 sano jir ah

0
Photo/Mustafamusic.no

Mustafe Xasan waa wiil dhalinyaro ah oo ku nool Dalka Norway kaasi oo sharciga laga ceshtay isla markana lagu amray in uu dalka isaga baxo kadib markii ay hooyadiisa qalad ay sameesay loo sababeeyay.

Mustafe Xasan iyo Hooyadiis oo wahliyaan walaaladiis ayaa iska  dhiibay Dalka Norway sanadkii 2008 xiligaasi oo ay isku dhiibeen in ay kasoo jeedaan Dalka Falastiin lakin Hay’ada Socdaalka Norway ayaa sheegtay in ay Qoyskaasi kasoo jeedaan Dalka Urdun.

Laanta Socdaalka ayaa durba gaartay go’an ah in dib loo celiyo qoyska oo ka kooban Hooyada iyo shan caruur ah lakin Musfate ayaa ka badbaaday dib u celinta sababo la xiriira in uusan qaan gaarin iyadoo inta kale dib loogu celiyo dalkooda.

Sheekada Mustafe ayaa markale dib u soo cusboonaatay kadib markii uu buuxiyay da’da 18 sano jirka waxana hay’ada Socdaalka ku wargalisay in uu dalka ka baxo ugu danbeyn 7 bisha December oo wax yar naga xigto.

go’an kale oo laanta socdaalka soo saartay ayaa dib loogu dhigay tarxiilida Mustafe madama uusan heysan Basaboorka Urdun sida ay shaacisay Dowlada.

Dhacdadaan waxaa ka dhashay hadal heyn badan dadka Norway ayaa ka gilgishay waxana ay dalbadeen in aan la celin Mustafe iyadoo la dhigay Banaan-baxyo waaweyn.

Norway ayaa kamid ah wadamada Yurub kuwooda ugu adag dhanka Qaxootiga waxana soo raaca Denmark waxana sanadihii ugu danbeeyay dhacdooyin badan oo ku aadan sharciyada la ceshtay dad badan.

Somaliska Oslo

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here