Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo soo jeedisay in Caruurta Lix sano jirka ah si...

Dowlada Sweden oo soo jeedisay in Caruurta Lix sano jirka ah si qasab loogu bilaabo Waxbarashada

0
Foto: Anders Wiklund / TT

Maanta Dalka Sweden Caruurta ku nool waxay bilaabi karaan waxbarshada dhexe marka da’dooda tahay 6 sano jir waxana inta ka horeysa ay Caruurta aadayaan goobaha Xanaanada ee Caruurta lagu hayo lakin hindise Dowlada soo bandhigtay maanta ayay ku sheegtay in Caruurta ay si qasab ah ku bilaabayaan waxbarshada marka ay jiraan 6 sano jir.

Sida ay sheegtay wasiirada waxbarshada qorshaha ayaa looga dalnleeyahay in caruur badan oo ku nool wadanka gaar ahaan goobaha ay ku noolyihiinn dadka danyarta ay helaan waxbarasho tayo leh.

Baaritaanka ayaa lagu soo bandhigay in Caruurta u dhaxeysa 3 ilaa 5 sano ay dhigtaan xanaanada Caruurta.

Sida uu sheegay madaxa iskuulada asaasiga ee Järva waxaa jira caruur badan oo aad uga liito Luuqada swidhishka isla markana caawin ka heli kara qorshaha Dowlada.

Caruurta Sweden ku nool ayaa caadiyaan waxay waxbarshada ku bilaabaan da’da lixaad waxaana jirta dhalaceyn loo jeediyo ajaanibta marka la eego dhanka waxbarshada wadanka.

Dhaleecaynta ugu badan ayaana ah heerka darajada liisata ay caruurta ka keenaan waxbarshada wadanka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here