Home Wararka Maanta Søreide ” Lama Aqbali karo in Muwaadin Norwegian ah lagu dilo Somaliland

Søreide ” Lama Aqbali karo in Muwaadin Norwegian ah lagu dilo Somaliland

0
Photo Heiko Junge / NTB

Wasaarada Arimaha Dibada ee Norway ayaa ku wargalisay Somaliland inay rajaynayaan in aan la dhaqan galin doonin xukunka dilka ah ee lagu xukumay muwaadin reer Norway ah.

Jimcihii, Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay kulan la yeelatay wakiil ka socda Somaliland oo jooga Norway.

Waxaan fariin cad ka bixinay kulanka in xukunka dilka uu yahay mid aan la aqbali karin oo aan la fulin karin, iyo in muwaadin Norwey ah uu helo marinka dacwadaha caadiga ah, ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Ine Eriksen Søreide (H).

Arbacadii, wargayska Dagbladet ayaa qoray in muwaadin reer Norway ah oo 54 jir ah dil lagu xukumay Somaliland .

Xeer ilaalinta ayaa rumeysan inuu si bareer ah u dilay nin dhalinyaro ah. 

54 jirkaan ayaa ku andacoonaya in lagu weeraray wadada isagoo aan digniin laheyn iskuna difaacay.

“Wasaaradda arrimaha dibedda waxay si dhab ah u tixgelinaysaa arrintan. Waxaan iska fogeyneynaa dhammaan isticmaalka ciqaabta dilka. 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here