Home Wararka Maanta Sweden:- Jimcaha Danbe Qof walbo gurigiisa haku tukado ” Culumada Stockholm

Sweden:- Jimcaha Danbe Qof walbo gurigiisa haku tukado ” Culumada Stockholm

0

kadib markii xaalada Corona ee Wadanka uu mar kale dib u soo kordhay labadii bilood ee ugu danbeeyay ayaa dhawaan dowlada soo saartay sharci cusub kaasi oo loogu tala galay tirada dadka isku imaan kara tiradaasi oo laga dhigay 8 qof oo kaliya sharcigan ayaana bilaabanaya 24 bishan.

Sharciga ayaa qabanaya guud ahaan Dadweynaha ku nool wadanka sweden waxana taasi ay keentay in Shalay oo Jimco ah ay culumada masaajida Stockholm ku wargaliyeen in jimcaha danbe uu qof walbo ku tukado gurigiisa madama uu bilaabanayo sharci cusub oo dowlada soo saartay ayna tahay qasab in la raaco.

Jimcayaashii ugu danbeeyay dadka badankooda ayaa ku tukanayay goobaha Hoolka si loo ilaaliyo masaafada waxana sharciga cusub uu sameyn ku yeeshay goobaha leeskugu yimaaday oo dhan.

Waa markii labaad oo dib loo xiro masaajida ka dhisan Dalka Sweden iyadoo bilowga Corona sidaan oo kale loo xiray Masaajida wadanka.

bilihii ugu danbeeyay ayaana loo tukanayay qaab fogaan ah iyadoo tiro cayiman loo ogolaa in ay ku tukadaan masaajidka hadii uu buuxsamana waa la xirayay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here