Home Wararka Maanta Raisel Wasaaraha Sweden oo Khudbad jeedinaya maalinta bari ah

Raisel Wasaaraha Sweden oo Khudbad jeedinaya maalinta bari ah

0

Sida ay shaaciyeen warbaahinta dowlada waxaa maalinta bari oo axad ah lagu wadaa in Raisel wasaaraha Sweden jeediyo Khudbad taasi uu kaga hadlayo xaalada dalka uu ku jiro ee aafada Corona isagoo khudbadiisa ku soo qaadanaya arimo dhoor ah.

Stefan ayaa bari waxa uu Shacabka Sweden kala hadlidoonaa arimo dhoor ah oo ay ku jirto Xaalada Wadanka ka taagan iyo in dadka ay raacaan Sharciyo Cusub ee Dowlada soo rogtay.

Waa khudbadii sadaxaad ee Raisal Wasaare u jeediyo Shacab madama aysan dhicin sidaan marka laga reebo xaalada deg dega ah sida uu ku waramayo falaqeeyaha Siyaasada ee Talafashinka SVT.

Markii ugu danbeesay ee Stefan uu khudbad u jeediyo shacabka waxay aheyd 22 Marso markaasi uu sidoo kale ka hadlay Xaalada Corona.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here