Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo ogolaatay mamnuucista booqashada guryaha waayeelka

Dowlada Sweden oo ogolaatay mamnuucista booqashada guryaha waayeelka

0

Dowlada ayaa maanta u ogolaatay in hay’ada Caafimaadka Dadweynaha ay mamnuuci karto booqashada goobaha dadka waayeelka lagu hayo hadii hay’ada ay u aragto in looga hortagi karo xanuuka sii faafaya.

Raisal Wasaaraha Sweden oo qabtay shir jaraa’id ayaa maanta ku cadeeyay in Dowlada ay ogolaansho siiyay qeybta Caafimaadka si ay u hakiyaan booqashada goobaha waayeelka hadii ay qasab noqoto.

Stefan ayaa intaasi ku daray in Qeybta Caafimaadka ay mamnuuceyso goobaha waayeelka ee markaasi ka dilaacay xanuunka.

Xaalada corona ee Wadanka ayaa labo jibaarantay bilihii u danbeeyay kadib markii uu dib u soo laabtay xanuunka waxana jira sharciyo ay dowlada soo saartay kuwaasi oo dhawaan bilaabanaya.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here