Home Wararka Maanta Sharciyada Cusub ee ka bilaabanaya Sweden oo wal-wal laga qabo

Sharciyada Cusub ee ka bilaabanaya Sweden oo wal-wal laga qabo

0
Photo Fredrik Sandberg / TT

Sida Dowlada shaacisay waxaa isku imaan kara 8 qof oo kaliya marka ay timaado goobaha ay ku kulmaan dadweynaha sharciga ayaana dhaqan galaya 24 bisha Novemver lakin dhibka ugu weyn ayaa ah in dadweynaha Sweden uu sharcigan ku adkaanayo in ay raacaan madama ay la qabsadeen qaab ka duwan oo xur ah.

Sharciga ayaa qabanaya goobaha leeskugu yimaado oo idil gaar ahaan kuwa lagu cibaadeesto hadii ay tahay Masaajida iyo goobaha kale ee kaniisadaha.

Kaniisadaha ku yaalla Dalka Sweden ayaa maanta diray codsi ah in laga reebo sharciga cusub oo bilaabanaya 24 madama ay adagtahay in 8 qof oo kaliya iskugu yimaadaan.

Lis john waxaa gudoomiye ku xigeenka kaniisadaha dalka Sweden Talafashinka SVT ayuu u sheegay in ay rajeenayaan in laga reebo sharciga cusub ee dhawaan bilaabanaya.

Codsigooda ayaa ku soo aadaya iyadoo Xaalada Corona ee Dalka uu aad u kordhay maalmihii ugu danbeeyay isla markana wadanka laga filayo xayiraado dheeraad ah,

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here