Home Wararka Maanta Qaxooti badan ayaa ku dhuumanaya gudaha Sweden

Qaxooti badan ayaa ku dhuumanaya gudaha Sweden

0

booliska Dalka Sweden ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo ku nool wadanka kuwaasi oo ku jooga wadanka qaab dhuumasho ah waxana dadkaasi badankooda kasoo jeeda Dalka Afganistan halkaasi oo kasoo carareen madama dadka badankooda ay heestaan diidmo.

Booliska ayaa raadinaya ku dhawaad 3 kun oo qof kuwaasi oo Qaxooti ahaan iskaga dhiibay wadanka lakin hay’ada Laanta socdaalka ayaa siisay diidmo kadib markii aan lagu qancin kiiska ay isku dhiibeen.

Dadka dhuumanaya ayaa badankooda diidaya in si qasab ah loogu celiyo Dalka Afganistan gaar ahaan Caasimada Kabul halkaasi oo rabshado ka socdaan.

ku dhawaad 59 Qof ayaa ku dhimatay Dalkaasi kadib labo weerar oo laga fuliyay iskuulo ku yaalla Caasimada Kabul.

Qaxootiga badankooda ayaa aaminsan in Rabshadaha ay sii soconayaan marka ciidanka mareykanka ay ka baxaan Dalkaasi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here