Home Wararka Maanta Stefan Lövfen oo Xaqiijiyay in Sweden soo iibsatay Dawada Talaalka ee Corona

Stefan Lövfen oo Xaqiijiyay in Sweden soo iibsatay Dawada Talaalka ee Corona

0
Photo: Jessica Gow / TT

Raisal Wasaaraha Dalka Sweden Stefan ayaa maanta Xaqiijiyay in Dalka uu soo iibsaday dawada Talaalka Corona heshiis ay qeyb ka yihiin midowga yurub.

Dawada talaalka Corona ayaa laga iibiyay shirkad ku taalla Dalka Mareykanka ee Pfizer oo kaashaneysa shirkad laga leeyahay Dalka Germalka.

Shir jaraa’id uu qabtay ayuu ku sheegay in Sweden ay heleyso 4.5 Milyan oo talaal ah oo caawin kara 2.3 milyan oo dad ah waxana lagu caawindoonaa dadka da’dooda dhaaftay 65 sano jirka.

Sweden ayaa horay u saxiixday labo heshiis oo lagu helayo talaal waxana heshiiskaan uu noqonayaa kii sadexaad.

Isbuucii hore Shirkada Pfizer ayaa ku dhawaaqday natiijada dawada talaalka ay soo saartay oo leesku haleen karo boqolkiiba 90.

Raisel wasaaraha ayaa ugu danbeyn waxa uu sheegay in Talaalka uu yarendoono halista Corona ee wadanka ka jirta.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here