Home Wararka Maanta Labo kamid ah Xisbiyada Sweden oo soo jeediyay in Waajib laga dhigo...

Labo kamid ah Xisbiyada Sweden oo soo jeediyay in Waajib laga dhigo marada Afka

0
Photo Claudio Bresciani / TT

labada Xisbi ee kala ah M iyo KD ayaa soo jeediyay in waajib laga dhibo marada lagu xirto afka si looga hortago xaalada Corona ee xiligan ka taagan Wadanka.

Labada Xisbi ayaa shaaca ka qaaday in uu yaraanayo Xanuunka Corona hadii dadka waajib looga dhigo marada lagu xirto afka sida uu goor hore sheegay Jimmie Ã…kesson oo hogaamiyaha SD.

Raisal wasaaraha Dalka Stefan ayay ka dalbadeen in uu sharaxo sababta Dadweynaha Sweden u xirinan marada afka isla markana dowlada u soo bandhigin sharcigaasi.

Gudoomiyaha gudiga arimaha bulshada Barlamaanka ee Xisbiga KD Acko Ankarberg Johansson oo ka hadashey arintan ayaa tiri.

– Waxaan aaminsanahay inay muhiim tahay inaan helno talaabooyin fir-fircoon iyo inaan sidoo kale ku darno tallaabooyin taxaddar leh, mid ka mid ah wuxuu noqonayaa in lagu amro inaad adeegsato marada afka marka aad raaceyso gaadiidka dadweynaha.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here