Home Wararka Maanta Shir Jaraa’id oo Dowlada Sweden ku soo bandhigtay Xanibaadyo Cusub

Shir Jaraa’id oo Dowlada Sweden ku soo bandhigtay Xanibaadyo Cusub

0

Dowlada Sweden ayaa soo kordhisay in ay kulmi karaan 8 qof oo kaliya si looga fogaado faafitaanka xanuunka Corona.

Feyrasku si fudud ayuu ku faafaa marka dadku ku kulmaan gudaha. Haddana infekshanku aad buu u kordhayaa markale Sidaa darteed, dhammaan la kulanka dadka waa in la yareeyaa.

РWay ka sii xumaan doontaa fayraska corona. Qaado masuuliyadaada hada si cudurka uu u yaraado, ayuu yiri raiisul wasaare Stefan L̦fven.

РWeli waa inaad la kulanto oo keliya kuwa aad la deggan tahay, ayuu yidhi L̦fven.

tiyaatarada, makhaayadaha iyo baararka ayaa dhibaatooyin waaweyn ku lahaan doona sharciga cusub.

kulanka ugu badnaan sideed qof ayaa dhaqan galaya 24 Nofeembar. Waxay shaqeyn doontaa afar toddobaad. Laakiin way sii dheeraan kartaa.

Markii hore, waxaan haysanay sharci ah in ugu badnaan 50 qof ay kulmi karaan.Kadib waxaa loo badalay 300. Laakiin hada waxaa laga dhigay sideed qof.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here