Home Wararka Maanta Dhalinyarada oo ugu badan Faafitaanka Corona ee Dalka Sweden

Dhalinyarada oo ugu badan Faafitaanka Corona ee Dalka Sweden

0
Photo NTB scanpix / TT /

Waqtigaan la joogo, dhalinyarada ayaa noqotay kuwa ugu badan ee ku faafa viruska corona gudaha Dalka Sweden dhalinyarada ayaa da’doodu u dhexeyso 20 ilaa 29. Sida laga soo xigtay sahan cusub.

Dhallinyaradu ayaanan raacin Xeerarka Dowlada ee corona. Mana ka baqayaan inay si daran u bukoodaan, sahanka ayaa muujiyay sidaasi.

Laakiin Västra Götaland 200 oo dhalinyaro ah ayaa daryeel ku helay isbitaalka kadib markii ay qaadeen cudurka.

Cathrine Frøsaker waa 28 jir. Waxay ku nooshahay Mölndal. Waxay xanuunsatay bishii Maarso. Waxay rabtaa inay dhalinyarada kale uga digto fayraska.

– Aad ayaan u xanuunsaday, ayay Cathrine Frøsaker u sheegtay Raadiyaha Iswiidhan.

Waxay weli ku jirtaa waqti adag madama uu ka tagay dareenka dhadhanka iyo urka labadaba.

Shirkadda Ungdomsbarometern ayaa sameysay sahankan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here