Home News in English Migrationsverket: Sharciga rasmiga ayay helayaan kuwa shaqeeya Shaqooyinka Tijaabada (provanställning)

Migrationsverket: Sharciga rasmiga ayay helayaan kuwa shaqeeya Shaqooyinka Tijaabada (provanställning)

1

Wakaaladda Socdaalka waxay ku dhawaaqday inay dib u eegis ku sameyneyso xaaladda shaqo ee helitaanka deganaansho rasmi ah, iyadoo muujineysa inay ku filnaan karto mararka qaarkood in shaqada tijaabinta (provanställning) codsadaha inuu helo deganaansho rasmi ah. Sida ku xusan wararka TT soo xigatay.

Sharciga kumeel gaarka ah ee socdaalka ee hada ayaa dhigaya in qofka
codsanaya degenaanshaha joogtada ah uu leeyahay awood uu ku muujiyo isku filnaansho noloshiisa sida inuu helo shaqo rasmi ah ama ka shaqeynta ganacsi u gaar ah.

Sidaas darteed, dadka ku shaqeeya tijaabada (provanställning) lama siinin sharci deganaansho rasmi ah, maadaama ay ahayd nooc shaqo oo aan rasmi aheyn laakiin Hay’adda Socdaalka ayaa hadda taas bedeshay.

Xaaladaha qaarkood, waxaa suuragal ah in la helo sharci degenaansho oo rasmi ah inkasta oo lagu jiro waqti tijaabo ah haddii ay cadaato in shaqada tijaabada loo wareejinayo shaqo joogto ah, ”ayay ku qortay barteeda internetka.

Muxaafidku taageersan arinkan ayaa fakar ka dhiibtay

”Waan la yaabay oo aad ayaan uga walwalayaa,” afhayeenka arrimaha soo galootiga ee” muxaafidka ah Maria Stenergaard ayaa faallo ka bixisay ku dhawaaqista waaxda socdaalka”

Waxyaabaha aniga iga yaabiyey ayaa ah in aysan waxba iska bedelin sharciga, isla
markaana si lama filaan ah shaqada tijaabada ah ay ugufilan tahay in qofka uu helo sharciga rasmiga ah, ayey u sheegtay
.wakaalada wararka ee Sweden.

Hadda dad badan ayaa heli doona deganaansho rasmi ah iyagoo hela shaqo ku hoos jirta” tijaabinta oo keliya, halka ay jiraan dad runtii u baahan in mudnaan la siiyo maxaa yeelay waxay aad ugu baahan yihiin badbaadin,” ayay raacisay

Tani waxay ka dhigan tahay inaan wiiqeyno kalsoonida lagu qabo sharcigeenna socdaalka.”

Somaliska Stockholm

AD

1 COMMENT

  1. Somaliska aad ayee ugu mahad celinaya aqbaradka aan ka helno waana ku faraxsanahay inaa ku xirnaano pejka somaliska waxaan raba inaa ogaado aniga waxaan isdhibay 2016 ilaa hada sharciga qaxooti ma helin shaqo ayaan bilawbay 20170612 ilaa hadana waan shaqeyaa canyuurta waan bixinayay vast.anstalling ayaana ahay shaqo jogta ah ayana hestaa qof shaqadiisa jacel ayaana ahay kiiskeyga kuwa haayo side donan ayee ila hadlaan maxaa talo ah iga siineysan gabar igu dhatay borås dhalasho leh 201710 hooyo aabe 8 ila dhalatay oo isku hooyo iyo aabe nahay dagan familkeyga kaligey ayaan sharci ka heysan waana nolosheyda waan u shaqestaa iyo mustalbeyga dambo sideen xaqeyga ku heli karaa talo iga siiya idinkoo mahadsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here