Home Wararka Caalamka Xisbiga Xag-jirka ee Stram Kurs oo Denmark ku gubay Quraanka Kariim Madama...

Xisbiga Xag-jirka ee Stram Kurs oo Denmark ku gubay Quraanka Kariim Madama loo diiday Sweden

0
Xisbiga Danish-ka ee Stram Kurs (“Lineka adag”) ayaa mudaaharaad gubitaan Quraan ah ku dhigay aag ka mid ah magaalada Fredericia oo inta badan ay ku badan yihiin muhaajiriinta u dhashay Turkiga iyo Muslimiinta kale.iyadoo arintaasi ay ka dhalatay rabshado lagu xiray dhoor qof.

kooxdan oo uu hogaaminayo madaxa xisbiga Rasmus Paludan ayaa ka soo muuqday Fredericia galabnimadii jimcaha. In kasta oo mudaaharaadku markii hore la filaayey inuu ka dhaco baarkinka maxalliga ah, ayay ku dhigeen goob supermarket-ka maxalliga ah iyada oo ay ilaalinayeen saraakiil badan oo bilays ah.

Xubnaha Stram Kurs ayaa tuuray oo gubay dhowr nuqul oo ka mid ah Quraanka kariimka ah, iyagoo ku adkeysanaya in loo baahan yahay in fariin siyaasadeed la diro.

‘Waxa aan maanta sameyneyno ayaa ah, runta ayaan ka sheegaynaa diinta Islaamka, sababtoo ah dad badan oo reer Denmark ah ma yaqaanaan waxa Islaamku ka hadlayo, marka waxaan dooneynaa inaan sharaxno waxa Islaamku ku saabsan yahay, iyo in qiyamka iyo xukunnada Islaamku ay aad iyo aad uga soo horjeedda qiyamka yurubta galbeed ee deenishka, ayuu yidhi Paludan.

falkan wuxuu soo jiitay koox ka mid ah dadka deegaanka oo careysan, kuwaasoo cambaareeyay howlaha Stram Kurs. Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya hal nin oo boolisku xireen ka dib markii uu ka gudbay cawska laga xiray ee loogu tala galay ama lagu dhigayay falkan.

Xisbiga midigta-fog, oo la aasaasay 2017, wuxuu si isdaba joog ah uga hawl galay Danmark, iyo sidoo kale dalalka deriska ah ee Waqooyiga Yurub. Mudaaharaadyadii ugu dambeeyay – oo la oran karo waa kuwii ugu waxyeelada badnaa waxa uu xisbigu ku qabtay magaalada Malmo dabayaaqadii bishii Ogosto.

Somaliska Compenhagen

Turjumay Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here